Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa digniin kulul u dirtay dowladda Jabuuti kadib markii ka baxday heshiiskii maamulka dekadda Dooraale ee ay kula jirtay shirkadda DP World Ltd.
“La wareegidda dowladda Jabuuti ee dekadda Dooraale waa mid laga xumaado, heshiisyada, cahdiyada iyo balanqaayada loogana bixi karo go’aan hal dhinac ah oo ka dhan ah DP World..” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Awar Qarqaash.
Dhinaca kale Shirkadda DP World ayaa uga digtay dowladda Jabuuti tallaabada ay qaadatay iyadoo caddeysay inay dacwad ka gudbisay, isla markaana ay maxkamadda London kiiskaasi yaallo.
Dowladda Jabuuti ayaa dhinaceed shaacisay in heshiiska labada dhinac oo dhacay 10 sano ka hor uu halis ku yahay qaranimada dalka Jabuuti, iyadoo ku eedeysay in laaluush loo adeegsaday heshiiska ayna ku jireen arrimo qarsoon, waxaana khilaafka arrintan soo taxneyd muddo 6 sano ah.
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa farriin uu qoray ku sheegay in tallaabada ay iskeed u qaadatay Jabuuti ay waxyeelo ka weyn ka tan DP World kasoo gaareyso Dowladda Jabuuti, wuxuuna intaas ku daray in Jabuuti ay ku fashilantay dhowrista heshiisyada laba geesoodka ah.
WARKAN HOOS KA AKHRISO
U.A.E. Rallies to DP World’s Defense in Djibouti Port Dispute