Wednesday, June 25, 2025

Wasiir ka tirsan Imaaraadka oo kashifay in Dowladihii hore ee Soomaaliya ay ogolaadeen Heshiiska Berbera

Wasiiru dowlaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa kashifay in heshiiska Imaaradka ee Dekadda Berbera ay ogaaleen, waxna ka ogaayeen heshiiska ay la galeen Somaliland iyo Dekadda Berbera.

Wasiiru dowlaha Areimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan Somaliland ku lahayn Qunsuliyad, ujeedkooduna ahaa inay taageeraan horumarka dhaqaale, iyadoo uu caddeyay in heshiiska Dekadda Berbera ay ogaayeen dowladihii hore ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay diyaarad ay lahayd Imaaraadka iyo lacag loo waday ciidamada Soomaaliya oo lagu qabtay, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay sharci darro ahayd oo aan loo baahneyn in qol mugdi ah xal looga qaado.

“Wax kasta waa inay noqdaan wax cad oo aan mugdi lahayn, ma aqbali karno in lacag iyo ciidamo wada la xayiro, kadibna lala wareego lacagtii oo la yiraahdo qol ayaan ku xalineynaa..” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash oo wareysi siiyay BBCArabic.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON