Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa faragelin ku sameeyay kursi ka mida kuraasta beesha Wacbuudhan Abgaal ee yaala magaalada Jowhar.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa liiska musharixiinta ka saaray wasiir ka mida maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku adkeystay inuu u tartamayo xilkan, isla markaana gacan ka helay ugaaska beesha.
Waanwaan iyo dadaal lagu doonayo in muranka kursigan lagu xaliyo ayaa lagu guuleysan waayay iyadoo arrintiisu salka ku heyso awood qeybsiga beesha Daa’uud, waxaana hore jufo ka mid beeshan ay u heshay xildhibaan ka mida Aqalka sare.
C/laahi Sheekh Xasan ayaa laga saaray liiska musharixiinta kursigan, waxaana maanta ku loolamaya labada musharax ee kala ah: Maxamed Axmed Beerey oo taageero ka heysta madaxtooyada iyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Eng. C/qaadir Carabow oo ah wiil dhalinyaro ah oo taageero weyn ka heysta siyaasiyiinta ka horjeeda Xasan Sheekh iyo beesha inteeda badan.
Goobjooge.com