Wasiir ku xigeen ka tirsan maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inuu xilka iska casilay, isagoo sheegay in arrimo shaqsi ah uu xilka uga tegay.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Deegaanka maamulka Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed ayaa sheegay inuu xilka iska casilay shaqadii uu u hayay maamulka Galmudug, iyadoo sababtu tahay arrimo shaqsiyadeed.
Wuxuu sheegay inuu xilka hayay muddo ku dhow halsano iyo Bar, isla markaana aysan jirin cadaadis kaga yimid madaxda dowlad goboleedka Galmudug, isagoo go’aansaday inuu shaqada wasiirnimo uu ka tago.
Wasiirkii maaliyadda ee Galmudug ayaa hore u xilka isaga casilay, waxayna wararku sheegayaan in wasiirada maamul goboleedyada intooda badan ay yihiin kuwo maqaar saar ah oo aan wax shaqo ah qaban.
Goobjooge.com