Wasiir ka tirsan xukuumadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay.
Wasiiru dowlahaXanaanada Xoolaha Puntland C/weli Seed Cilmi ayaa maanta shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayey Puntland, kadib markii cadaadis uga yimid Beesha uu ka soo jeedo.
Wasiirkan ayaa ka mid ahaa xubnihii uu dhowaan Madaxweynaha Puntland Cabdiwali xilka u magacaabay, wuxuuna hore Wasiir ku xigeenka wasaarada.
Is-casilaadda wasiirkan ayaa timid iyadoo golaha wasiirada Puntland shir degdeg ah ku lahaa magaalada Garowe, kaasoo looga hadlay xaalada weerarkii Alshabaab ku qaadeen saldhiga Af-urur ee Gobolka Bari