Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan, xil heer wasiirna ka haaya maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay
kursiga aqalka hoose ee maamulka Hirshabeelle ee beesha Daa’uud/ Wacbuudhan Abgaal ay ku leedahay.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Cabdullaahi Sheekh Xasan dagaal xooggan uu kala kulmayo madaxtooyada Soomaaliya oo wadata musharax kale oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dabada ka riixayo, hase ahaatee muuqata awooda siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo taageero ballaaran ka haysto dhinacyo fara badan oo kasoo horjeeda in xubinta aqalka hoose ku guuleystaan kooxda madaxtooyada ka taliso.
Xubinta beesha Daa’uud ee aqalka hoose ay ku leedahay ayaa muran badan dhalisay, kaasoo salka ku haayo jufada rasmiga ah ee xaqa u leh, hase ahaatee Ugaaska beesha ayaa caddeeyay in aysan jirin beel gooni loogu calaamadeeyay xubintaasi, sidaasi darteedna ay labada beel ee Isaaq iyo Yuusuf Daa’uud tartan u geli karaan.
AVV. Cumar Dhagey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada dadban, beel ahaana kasoo jeeda beesha Daa’uud ayaa isna dhankiisa caddeeyay in dastuurka doorashada aysan qabin in jufo gooni ah u tartami karto xubinta beesha Daa’uud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal iyo juhdi geliyay sidii xubintaasi u hanan lahaayeen musharax uu wato oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Beerey, waxaana uu Madaxweynaha isku dayay inuu u yeero Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo diiday inuu tago madaxtooyada.
Warfaafiye