Friday, June 27, 2025

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo taageeray dhiibista C/kariin Qalbi-dhagax

Wasiir ka tirsan maamulka Puntland ayaa taageeray go’aanka xukuumadda Soomaaliya ee sarkaalkii ONLF C/kariin Qalbi dhagax loogu gudbiyay Itoobiya.

Wasiiru Dowlaha Xariirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan oo la hadlay warbaahinta ayaa taageeray go’aanka ay dowladda Soomaaliyaka qaadatay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan sax ah Islamarkaana ay ku taageerayaan go’aankaasi.

Wasiiru Dowlaha Xariirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan
Wasiiru Dowlaha Xariirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan

“Go’aankii ay qaateen 6dii Bishaan Xukumadda waan taageersanahay waana mid sax ah oo aduunka oo dhan nagu taageeray waana inaa diidnaa cid kasta oo Soomaaliya Gudahadeeda ugu duusha wadamada dariska ah” ayuu yiri wasiiru dowlaha Xariirka gobalada ee puntland.

Wuxuu sheegay inaysan macquul ahayn in hal qof dalka oo dhan loo dumiyo, isla markaana aanay habooneyn arrintaasi loo adeegsado burburinta dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON