Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa ka badbaaday qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo ku saabsanaa in Golaha Baarlamaanka hortiisa lagu weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeyn lagu soo oogay.
Kulankii Baarlamaanka ee 11aad ee kalfadhiga saddexaad ayaa ugu horeyn Guddiga Addeegga Bulshada uu qeybiyey qoraalka ajendaha iyo eedaha loogu yeeray Wasiirka Waxbarashada oo ay ka mid ahayd inuu dhibaatooyin ku hayo dugsiyada Waxbarashada dowladda iyo deeqo waxbarasho oo loo heystay Wasaaradiisa.
Xildhibaanno badan ayaa ka hor yimid u yeerista iyo su’aalo weydiinta Wasiirka Waxbarashada oo fadhiga Baarlamaanka ku sugnaa, waxaana markii danbe cod loo qaaday in Gole joojinta Wasiirka, iyadoo 116 xildhibaan ay diideen in Wasiirka su’aalo la weydiiyo, halka 21 xildhibaan ay ogolaaday ajendaha, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.
Wasiirka markaas kadib la fasaxay, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu gelayo fasax KMG ah, iyadoo aan waqti loo qaban xilliga uu dib isugu soo laaban doono.