Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa jawaab kasoo saartay wareegto lagu kala diray rugtaasi oo kasoo baxday Wasiirka Ganacsiga dowladda Soomaaliya. [Akhriso]
Agaasimaha Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore ayaa galabta Shir jara’id ka sheegay in haba yaraatee aysan jirin wax wargalin ah oo ay Wasaaraddu la soo sameysay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Somalia, isla markaana aanu wasiir kala diri lahayd Hay’ad ka tirsan bulshada rayidka.
Rugta Ganacsiga Somalia ayuu sheegay inay ka mid tahay Bulshada rayidka, oo aysan ahayn hay’ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto.
Wuxuu ku adkeystay inay go’aanka wasiirka aanu saameyn ku yeelan doonin Rugta Madaxdeedana lagu doortay iyadoo ay Goobjoog ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukumadda.
Muranka ay qarxisay wasiirka ganacsiga Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Khadra Axmed Ducaale ayaa xukuumadda Kheyre ku furaya xaalad cusub, iyadoo arrintan ay tahay loolan ka dhaxeeya ganacsato iska horjeeda.
Goobjooge.com
Wasiirka Ganacsiga oo kala dirtay Rugtii Ganacsiga & Warshadaha Somaliya [Akhriso Wareegto]