Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa la sheegay in dacwad lagu soo oogayo kadib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay xubin ka tirsan Guddiga Isgaarsiinta Qaranka.
Cali Ibraahim (Cali Shaamey) oo dhowaan uu xilka ka qaaday Wasiir Canshuur ayaa sheegay inay sharci darro tahay talaabada Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ugu saaray Guddiga Isgaarsiinta Qaranka iyo xilka uu ka qaaday, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku sheegay in la-tashiyo dhinaca sharciga oo uu sameeyay, kadib uu ogaaday in Wasiir Canshur aanu awood sharci u lahayn xil ka qaadista ubin ka mida Guddiga.
Cali Shaameey oo Guddiga u qaabilsanaa dhinaca Maaliyada ayaa waxaa lagu bedelay xubin cusub oo uu keensaday madaxweynaha K/Galbeed C/casiis lafta-gareen, iyadoo xubinta xilka laga qaaday ee Cali Shaamey uu hore usoo xushay madaxweynihii hore ee K/Galbeed Shariif Xasan oo uu gacan-yare u ahaa.
Lama oga waxa ay noqon doonto dacwada ay qoranayo xubinta laga saaray Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, kadib markii uu aasaasay Xisbi siyaasadeed lagu magacaabo Hore-u-socod, taasoo keentay in xilka lag qaado.