Thursday, June 26, 2025

Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliya oo noqday Sii-hayaha Madaxweynaha Soomaaliya

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa noqday mas’uulka ka faa’iideystay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa si ka duwan wasiirada kale maamuus ku helay xaaladda ay gashay Soomaaliya iyo xilligii sharciga ahaa ee ka dhamaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Hadliye wuxuu hadda Soomaaliya u metelaaa dhammaan shirar caalamiga ah ee dibadda, wuxuuna kasoo muuqday shirkii Golaha Guud ee Q/Midoobay, wuxuu kaloo ka qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee dhowaan ka dhacay dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kasoo gaari waayay inuu Muqdisho yimaado muddo laba bilood ka badan, wuxuuna saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi halkaasoo isaga uga socdaalo shirarka faraha badan ee uu Soomaaliya u metelo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON