Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa beeniyay inuu ka badbaaday qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay inuusan joogin goobta qaraxa ka dhacay, gaarigiisana uu isagu saaran yahay, wax khasaare ah oo gaarayna aanay jirin.
Wareysi uu siiyay RadioDalsan ayuu ku sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in gaarigiisa lagu qarxiyay Hotelka Weheliye.
Wasiir Ceymooy ayaa sheegay inuu maqlay laba ka mida ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen, qarax, isaguna aanu joogin goobta.
Wasiirkan ayaa hore weerar loogu qaaday hoteelada Siyaad iyo Weheliya halis ku galay isagoo sheegay inuu qori qaatay oo uu la dagaalamay dagaalyahanadii Alshabab ee isu dayaya inay gudaha u galaan hotelka.
AKHRI WARKAASI
Dhageyso Wasiir Ceymooy: “Qoriga ayaan qaatay si aan isaga difaaco Al-shabaab”
Goobjooge.com