Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux ayaa caawa ka badbaaday qarax Bam oo lala beegsaday gaari uu la socday.
Gaariga wasiirka ayaa la sheegay inuu yaalay goob Carwo ah oo uu ka dukaameysanayay oo u dhow Hotelka Maka Almukarama, waxaana qaraxa oo wararka qaarkiis ay sheegayaan inuu ahaa Bam lagu tuuray uu dhaawacay 4 qof oo saddex ka mida ay ahayd dadkii la socday wasiirka.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa hore u sheegay in qaraxa uu ahaa Bam lagu tuuray meel u dhow Hotelka Maka Almukarama isagoo aan faafhaahin kale bixin, laakiin waxaa soo baxay in Qaraxa lala beegsaday wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya.
Wasiirka oo ay soo xigatay SONNA ayaa sheegay inaysan waxba ka soo gaarin qaraxa lala beegsaday xilli uu ka adeeganyay Carwo oo ku taala wadadda Maka Almukarama. Waxaa kaloo wasiirka laga soo xigtay inaysan wax khasaare ah gaarin oo wixii qarxay ay macmal ahaayeen.!
Wasiirka Amniga Gudaha wuxuu sheegay inay laba qof ku dhaawacmeen, taliska booliska ayaa laga soo xigtay inay afar qof ku dhaawacmeen qaraxa, isla markaana laba gaari waxyeelo ka soo gaartay.
Goobjooge.com