Wasiir ka tirsan Xukuumadd Soomaaliya ayaa goor danbe la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii Naasa-hablood 1 ee magaalada Muqdisho.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Arrimaha Bii’ada Burci Maxamed Xamza ayaa ku geeriyooday weerarka hotelka lagu qaaday sida wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay xaqiijiyeen.
Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray tacsi uu u diraaya burci Maxamed Xamza oo ku dhintay weerarkii xalay. Waxaa kaloo geerida Burci tacsi ka diray dad kala duwan.
Burci Maxamed Xamza ayaa ahaa aqoonyahan muddo badan ku soo jiray dowladda Soomaliya isagoo xildhibaan ka soo noqday dowladii Carte lagu dhisay.
Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inaysan jirin cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo wax ku noqday weerarka hotel Naasa-hablood.
Goobjooge.com