Thursday, June 26, 2025

Wasiir ka tirsan xukuumadii Cumar C/rashiid oo la wareegay Caleemosaarka Madaxweyne Farmaajo

Wasiir ka tirsanaa xukuumadda xilka sii heysa ee Cumar C/rashiid ayaa la wareegay qabqanaabada munaasbadda caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xilka sii haya C/raxmaan Caynte ayaa noqday madaxa guddiga qabanqaabada caleemosaarka, iyadoo meesha laga saaray lix guddi oo wasiiro ah oo dhammaantood loo xil saaray howshan.

Munaasbadda caleemosaarka ayaa dhici doonta Arbacadda iyadoo madax kala duwan lagu casuumay, waxaana Wasiir Ceynte uu sheegay inuu faraxsan yahay inuu madax ka noqdo howshan muhiimka ah.

C/raxmaan Ceynte iyo dadka la shaqeynaya ayaa baraha bulshada ku faadiyay halkudhig ku saabsan munaasadda iyagoo ku dooday inay noqon doono dhacdo heer sare oo aan hore loo arag.

Dad badan ayaa aamisan inaysan habooneyn xilligan xaflad weyn oo caleemosaar ah in la sameeyo xilli ay abaar ba’an dalka ka jirto isla markaana dad Soomaaliyeed u dhimanayaan baahi iyo haraad.

AKHRI FARRIIN KU SAABSAN CALEEMO SAARKAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA

Madaxweyne Farmaajow Ma ku dayan doontaa John Magufuli-ga Tanzania…? (Farriin ku socota Farmaajo)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON