Wasiir hore oo ka tirsanaan jiray Israa’iil ayaa qirtay inuu basaas u ahaa dowladda Iiraan, intii uu ku jiray xukuumadda Yuhuudda.
Gonen Segev oo ahaan jiray wasiirkii tamarta Israa’iil bartamihii sagaashamaadkii ayaa u sheegay maxkamadda dacwadiisa qaadeysay inuu basaas u ahaa dalka Iiraan oo si qarsoodi ah uu u siin jiray macluumaadka arrimaha tamarta iyo sirta dowladda Israa’iil, iyadoo la filayo in lagu rido xukun 11 sanno oo xarig ah.
Wasiirkii hore ee Tamarta Israa’iil Gonen Segev ayaa lagu eedeeyay in xog ku saabsan suuqyada tamarta, saldhigyada ammaanka Israa’iil iyo xog ku saabsan saraakiisha sirddoonka uu u gudbin jiray dalka Iiraan.
Dacwad oogayaasha Israa’iil waxay sheegen in arrintani uu ku tallaabsaday markii Segev uu ku sugnaa dalka Nigeria tan iyo sanadkii 2012-kii ilaa sannadkii lasoo dhaafay. Gonen Segev ayaa xabsiga ku jira.