Guddi uu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u magacaabay qabanqaabada maalmaha xoriyadda muddo lix biood ah ka harsan tahay ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay, iyadoo guddoomiyaha Guddiga uu kashifay cidda lahayd in la magacaabo xilligan Guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga oo ah wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xilligan oo ah lix bilood ka hor maalmaha xoriyadda in la magacaabo Guddiga qabanqaabad ay ahayd aragtida Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dalbaday in sanadkan uu ahaado mid gaara.
xubnaha Guddiga qabanqaabada 60 guurada xoriyadda Soomaaliyeed in sanadkan uu leeyahay calaamado badan sida inuu yahay 60 guuro oo ah xilli taariikh calaamad qaangaar ah, iyadoo qaranka Soomaaliyeed 60 sano jirsanayo.
Wuxuu kaloo sheegay wasiir maareeye inay tahay 20 guurada markii dib loo asaasay dowladnimada Soomaaliya laga soo bilaabo shirkii Carte, wuxuuna intaas ku daray in sanadkan ay dowladda Soomaaliya u calaamadeysay sanadkiih horumarka iyo rajo soo celinta.
Guddigan oo dood badan ka dhaliyey baraha bulshada ayna si weyn u cambaareeyeen siyaasiyiin iyo aqoonyahano oo ku tilmaamay mid calaamad u ah inaysan xukuumadda hadda jirta lahayna qorshe cad ayaa difaacay sababta munaasabad ay ka harsan tahay 6 bilood ku dhowaad loogu sameeyay Guddi qabanqaabo, taasoo ah arrin aan hore u dhicin.
Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in dib loo doorto ayaa ku mashquulsan arrimo aan ahayn kuwii ugu muhiimsanaa ee laga sugayey dowladiisa, wuxuuna xoogga saaray dabaaldegyo, xaflado, taallooyin ka la dhisayo iyo barnaamijka is-xilqaan, iyadoo xaaladda amniga dalka ay meel halis ah gaartay, isla markaana arrimihii loo igmaday sida Dhameystirka Dastuurka, Doorasho Qof iyo Cod ah, Garsoorka iyo Siyaasadda aan wax weyn laga qaban.