Wasiir Khadiija oo shaaciyay Heshiis laga gaaray Ciyaaryahankii G/Banaadir ee lagu tilmaamay Kenyaanka [Sawirro]

Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in ciyaaryahan dacwad laga gudbiyay inuu yahay Kenyaan arrintiisa la xaqiijiyay.

Wasiirada ayaa sheegtay in ciyaaryaanka C/majiid Cismaan oo u ciyaara Gobolka Banaadir laguna tilmaamay inuu Kenyan yahay ay caddaatay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed una ciyaari kara gobolkii uu doono.

“Anigoo ah wasiirka Dhalinyarada iyo Sports-ka xukuumada xukuumadda Soomaaliya waxaan ummadda soomaaliyeed u xaqiijinaayaa inuu C/majiid yahay Soomaali dhab ah sida dhammaan ciyaartooyda kalena uu xaq u leeyahay inaan la duri karin soomaalinimadiisa” ayay tiri wasiirada oo sawir koox ah la gashay xubno uu ka mid yahay ciyaaryahanka.

Maamulka labada xul ee G/Banaadir iyo Jubbaland oo ay wehliyaan mas’uuliyiina Wasaaradda ayaa isla qaatay arintan iyadoo lasoo gabagabeeyay dacwadii  xiriirka kubadda cagta Jubbaland ku soo oogay ciyaaryahankaasi.

Image may contain: 11 people, people sitting

Image may contain: 10 people, people smiling, people sitting

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,746FansLike
532FollowersFollow
2,350FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,746FansLike
532FollowersFollow
18FollowersFollow
2,350FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!