Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada dalka ay si qaldan u fahmeen nidaamka Federaalka, isla markaana ay ku dhaqmaan siyaasad fowdo ah.
Wuxuu sheegay Wasiirka oo afka xukuumadda Soomaaliya ku hadlaya in dowladda federaalka ay masuul ka tahay guud ahaan dalkaan, balse ay maamul Goboleedyada u fasirteen inay yihiin dowlado madax bannaan, taaso ah fowdo, dowladuna ay u dhiseyso nidaam federaali ah oo sharci ah, ayna ka war qabto doorashooyinka maamul Goboleedyada.
“Madaxda dowlad Goboleedyada waa iska safraan, dalal aan caddow nahay ayey galaan, waa iska shiraan, dowladda oo aan ogeyn ayey wax fasaxayaan.. waa nidaam fowdo ah.. wax sharciyad ah uma heysto inuu la kulmo madax aan dhigiisa ahayn..” ayuu yiri wasiir Maareeye oo sharci darro ku tilmaamay falalka ay ku dhaqaaqaaan maamul Goboleedyada dalka
HOOS KA DHAGEYSO