Thursday, June 26, 2025

Wasiir Maareeye oo lagu soo eedeeyay inuu soo qortay Ergadii Doorashada ee Beeshiisa

Mid ka mida wasiirada xukuumadda waqtigeeda dhammaaday ayaa ku fashilmay qorshe uu ku doonayay inuu ku qorto ergadii beeshiisa ee dooran lahayd.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu soo qortay ergadii u dooran lahayd kursiga xildhibaan, waxaana la sheegay inuu garab maray ergadii Oday dhaqameedka beesha soo qoray.

dhageyso-wasiir-maareeye-oo-ihaano-iyo-ceeb-kala-dul-dhacaySuldaanka Beesha Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegaya in Maareeye uu ka faa’ideystay xanuun soo wajahay suldaanka oo ku xanuunsanaya mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Suldaanka Beesha Habarjeclo ayaa la sheegay inuu ku xanuunsanayo magaalada Muqdisho, taasoo keentay inuu ka faa’iideysto wasiir Maareeye oo isagu qortay ergadii beeshiisa.

Maxamed Jaamac oo ka mid isimada gobollada Waqooyi ayaa ku eedeeyay Wasiir Maareeye inuu faragelin ku sameeyay nidaamkii doorashada, isla markaana ay dacwad ka qoreen musharaxa wasiirka hore ah, taasoo loo gudbiyay guddiga doorashada.

Wasiir Maareeya ayaa waxaa kursiga xildhibaanimo kula loolamaya Najiib Yuusuf Cusmaan, oo taageero ka heysta suldaanka, waxaana loolankan uu salka ku hayaa ololaha doorashada xilka madaxweynaha ee u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON