Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay inuu isagu qabo in in Magaalada Muqdisho laga Mamnuuco Tugtugta (Mootooyinka Bajaajka).
Wuxuu sheegay in Bajaajtu ay tahay fowdo, Magaalada Muqdishana ay tahay caasimad, sidaas darteed ay tahay in aad loo cayimo oo lagu amro inaysan soo dhaafin xaafadaha danyarta.
“Magaaladan waa in laga dhigaan magaala quruxsan oo u qalanta caasimad, anigu waxaan qabaa in Tugtugta (Bajaajta) la mamnuuco…. Baabuur Ambassador leeyahay haddii ay ku dhacdo markaas waa iska tegayaa Ambassadorku…” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo ku jeesjeesay Mootooyinka ku soo batay magaalada Muqdisho oo dad badan noloshoodu ku xiran tahay.
Dhageyso wasiir Maareeye
Goobjooge.com