Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Hiiraan Dacar Xersi Nuur ayaa sheegay in wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) aysan uga hari doonin oo ay ku qabsan doonaan beentii uu ka faafiyay kulankii dhex maray odayaasha dhaqanka iyo Duubabka Hiiraan iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Oday Dacar wax uu sheega in laga fiican yahay in qof mas’uul ahi ay been qayaxan uu sheego, wuxuuna ku tuhmay in Maareeye ka mid yahay Shabaabka ku jira dowladda.
“Waxaan u heysanaa Wasiir Maareeye inuu yahay dadka Shabaabka lagu tuhmaa..” ayuu yiri Nabaddoon Dacar Xersi oo sheegay inuu dadka sii kala fogeynayo.
DHAGEYSO CODKA
Goobjooge.com