Tuesday, June 24, 2025

Wasiir Odowaa oo fadeexadii ugu weyneyd ay ka raacday Beledweyne & Odayaasha Hiiraan oo qaadacay

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa weji gabax weyn kala kulmay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiran oo diiday inay la kulmaan wasiirka oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa ninka ka danbeeya dhibaatada lagula kacay gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa oo ay hogaaminayaan  Duubabka dhaqanka 8 beelood oo hore u qaadacay shirka Jowhar ayaa sheegay inaysan ka qeyb gelin soo dhoweyne Wasiir Odowaa, isla markaana aanay marna hor tegeynin, lana kulmeynin wasiirka, waxayna si buuxda ugu eedeeyeen inuu mas’uul ka yahay qorshaha isku darka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo xaqdarrada lagula kacay Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa dadaal ugu jira inuu fadeexadan ka badbaadiyo Wasiirka Arrimah Gudaha, waxaaana uu wadaa qorshe uu odayaal kale oo aan ahayn kuwa qaadacay la-kulanka Wasiirka arrimaha gudaha uu la kulansiiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON