Wednesday, July 2, 2025

Wasiir Odowaa oo loo dhaariyay kursigii Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Abtidoon

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta loo dhaariyay xil cusub oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii uu buuxiyay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo dhowaan ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi.

Wasiirka arrimaha gudaha oo xil sare ka haya xukuumadda Soomaaliya ayaan la ogeyn sababta uu ugu darsaday kursigii beeshiisa ee Baarlamaanka, waxayna wararku sheegayaan inuu culeys badan ku saaray odayaasha beesha in kursiga Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday xildhibaan Abtidoon la siiyo.

Jagada wasiirka iyo tan xildhibaanka waxaa hadda isku darsaday C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, taasoo marqaati u ah in siyaasadda Soomaaliya ay tahay meel aanu siyaasigu ka dhergin xilalka hay’adaha dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON