Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ka mida wufuud heer wasiir ah oo maamulada dalka u dirtay xukuumadda Soomaaliya.
Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha waxaa ka mida Wasiir ku xigeenka maaliyada dowladda federaalka iyo qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Socdaalka wafdigan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda Puntland iyo Guddiga qaabilsan shirarka madasha wadashiga Qaran oo ka socda degaanada Puntland, waxayna kala hadli doonaan maamulka Puntland socodsiinta shirarka iyo ururinta go’aanada kasoo baxa.
Wasiir Odawaa ayaa socdaalkiisu ahaa mid aan hore looga sii warqabin, waxaana uu ka gaabsaday inuu saxaafadda la hadlo unaga warbixiyo socdaalkiisa. Wasiiro kale oo tirsan xukuumadda ayaa iyaguna ku sugan Baydhaba, Jowhar, Kismaayo iyo Cadaado.
Goobjooge.com