Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaq Xersi Warfaa oo khudbad ka jeediyay shirka wadatashiga Puntland ayaa sheegay inay madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisal wasaaraha ay kala soo tashadeen arrimaha shirkan.
Wuxuu sheegay in Puntland ay Dowladda Federaalka ku metalaan iyagoo ah wasiiro, wasiiru dowleylayaal iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni inuu u raaco magaalada Muqdisho si loo bilaabo wadahadal iyo xal raadis.
“Annaga ayaa Puntland dowladda Federaalka ku metelna, sida: – Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Golaha Wasiirada-, anagoo ah wasiiro, wasiiru dowleyaal iyo xildhibaano labada Gole- oo 25 gaaraya, waxaan halkaas u joognaa danta Puntland.. Puntland haddii ay wax ka tabaneyso dowladda Federaalka annaga ayaa u doodeyna…” ayuu yiri Wasiir Saadaq oo dhaliilay inay Puntland dowladda Federaalka u dirsato dad aan dib u soo noqon.
Wuxuu ku celceliyay wasiir Saadaq in indhaha lagu wada hayo waxa kasoo bixi doona shirkan, oo laga filayo inay noqdaan wax dan u ah umadda Soomaaliyeed oo dhan, isaguna aanu fileyn inay kasoo baxaan wax dhibaato keena.
Wasiir Saadiq ayaa sheegay in aysan Puntland diidi karin sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Puntland ma Sharci Golaha Shacabka soo maray, Aqalka sare soo maray oo Madaxweynaha uu saxiixay.. Puntland ma dhihi karto maanta ma aqbaleyno….” ayuu yiri Wasiir Saadaq Warfaa oo caddeeyay inuu sharcigaasi yahay Dastuuri, lagana baqin doorashada hal qof iyo hal cod ah.