Wasiirkii Dastuurka xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare ee Senatoorada Somaliland , kadib loolan adag oo dhex maray Ibrahim Idle Suleyman.
Kursiga labaad waxaa ku tartamayey labada musharax ee kala ah: Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.
Natiijadii Codeynta ayaa noqotay inuu ku guuleystay wasiir Saalax Axmed Jaamac, waxayna natiijadii codeyntu noqotay sida soo socota:
1- Ibraahim Iidle Suleymaan: 12 Cod
2- Saalax Axmed Jaamac: 29 cod
Waxaa xumaaday 5 cod
Waxaa si rasmi agh loogu dhawaaqay inuu kursiga ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare/Somaliland.
