Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO Wasiir Soocade: “Dhalinyarada soo duushay Puntland uma dhalin ee Koonfurta Soomaaliya ayaa laga soo ururiyay…”

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo Shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ee weerarka ku qaaday dhulka xeebaha leh ee Mudug iyo Nugaal laga hortegay, wuxuuna sheegay in dagaalku weli socdo, qasaare weyna aanu gaarin ciidamada Puntland.

Soocade ayaa  ugu baaqay Alshabaab inay is  dhiibaan isagoo u balan qaaday inay ciddii is dhiibta reerkooda la gaarsiin doono oo aan waxba loo raacan doonin. Dagaalka ayuu sheegay inuu weli socdo oo ay doonayaan inay ku soo afjaraan muddo saddex maalmood ah.

Wuxuu sheegay in dhalinyaradan ku duushay Puntland ay  yihiin kuwo aan u dhalan Puntland ee laga soo ururiyay Koonfurta Soomaaliya, ciddii ka danbeysana ay qasaare iyo dhiig ku danbeyn doonaan.
Waxa uu sidoo kale shirkiisa jaraa’id uga hadlay ciddii soo dirtay wiilal yaryar oo qoryaha jiidaya inay mas’uul ka tahay wixii qasaare ah oo ka dhasha, wuxuuna qiray in Garacad ay weli joogaan ciidamada Doonyaha ku tegay ee Alshabaab.

DHAGEYSO WASIIRKA WARFAAFINTA PUNTLAND MUDANE SOO-CADE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON