Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Siciid Xamza ayaa ka hadlay xaaladii ay ku sugneyd Wasaaraddii Dhalinyarada iyo Isbooriga markii uu xilka la wareegay aakhirkii bishii Oktoobar 2018.
”Waxaan la wareegay xilka Wasaraadda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo aan lahayn Xafiis aan subixii u shaqo tago, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha Wasaarada sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiray mushaarna qaadanayey iyagoo gurigooda jooga” ayuu yiri Wasiir Xamza
Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo xeritaanka Shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada ayaa faallo ka bixiyey shaqada uu ka qabtay Wasaaradda iyo wasaaradii ka horeysay ee Gargaarka oo uu ku wareejiyey Khadiijo Maxamed Diiriye.
“Markaan imid saddex bilood waxay igu qaadatay inaan Wasaaradii inaan isu keeno, xafiis u raadiyo, shaqaalihii soo noqdaan, lagu shaqo bilaabo, waxay noqotay inaan eber ka bilowno.. Hadda wasaaradda waa socod barad, haddana dhisme ayaaba ka socda..” ayuu yiri Wasiir Xamza oo warkiisu ku socday sidii ay wasaaradda u maamuleysay Khadiijo Diiriye
Jawaab ay daqiiqado kadib ka bixisay warka Wasiir Xamza ayey Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Istoortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ku dooday in xarunta Wasaaradda ay dhibaato kasoo gaareen qaraxyo, kadibna shaqaalaha loo fasaxay inay guryahooda ku shaqeeyaan.
“War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa… Wasiir Xamze waxaad ka mid aheyd golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.” ayey tiri Khadiijo Diiriye.
Mar kale ayey Wasiirad Khadiija isku difaacday weerar ay ku qaaday Wasiir Xamza, iyadoo ku eedeysay inuu weli heysto Gaarigii Wasaaradda uu wareejiyey. “28-OCT/2021 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay, weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn”.
Is-difaaca Wasiir Khadiija ee degdeg ah ayaa bannaanka keenay maamul xumida wasiiradan oo inta badan ka mid ahayd xukumadihii isaga danbeeyay dalka.
