Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya oo ay kalsoonida kala laabteen Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa jawaab qabow ka bixiyay go’aankii ay ka qaateen Guddiga Baarlamaan ee ay wada shaqeeyaan.
Wasiirka oo maanta ka hadlayey kulan ay wasaaradiisa ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay markii uu xilka Wasaaradda la wareegnay inuu go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo ay la yeeshaan hay’adaha dawladda ee ay shaqo wadaagga yihiin, isla markaana ay aasaaseen Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira.
Wasiir Xoosh oo arrintiisa Baarlamaanka la horgeyn doono ayaa sheegay in waxaana kulamo wadastashi ah ay la qaateeny madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo y ku booqdeen Goboladooda, ayna kala dhaxeyso wadashaqeyn.
“Wada shaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsha inaga la dhaxeyso, mar walbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wada shaqeyn iyo iskuduubni ayay mar walba Wasaaradda ku dadaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah..” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka oo ku mashquulsan seminaaro dib u eegis dastuur.