Wednesday, June 25, 2025

Wasiir Xoosh oo weerar culus ku qaaday Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar C/rashiid [Akhriso]

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa si kulul u weeraray Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Wasiir Xoosh oo farriin soo dhigay baraha bulshada ayaa si dadban u weeraray Cumar C/rashiid, isagoo ku tilmaamay inuu noqday hub ay ku shaqeystaan dalal shisheeye, isagoo ahaa Ra’iisal wasaare hore, welibana ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil
Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil

“Ka waran haddii Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu noqdo Hub uu kireysaay Dal Shisheeye, welina uu yahay Senator ka tirsan Aqalka sare”. ayuu soo qoray wasiir Xoosh oo ka mida mas’uuliyiinta dowladda ee baraha bulshada u adeegsada mowqifyo muran badan dhaliya.

Goobjooge.net ayaa markii ugu horeysay shaacisay in Cumar C/rashiid ay dowladda Imaaraadka u magacaabatay la-taliyaha arrimaha Geeska Afrika ah, isagoo hormuud ka ah dhaqdhaqaaqyada Imaaraadka ka wada Soomaaliya iyo isku xirka maamul Goboleedyada iyo dalka Imaaraadka Carabta.

WAR CUSUB: Dowladda Imaaraadka Carabta oo jago u magacaabatay Cumar C/rashiid [Qorshe cusub]

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON