Saturday, April 20, 2024

WAR CUSUB: Dowladda Imaaraadka Carabta oo jago u magacaabatay Cumar C/rashiid [Qorshe cusub]

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa  sheegeysa in mid ka mida siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaalida uu  dowladda Imaaraadka Carabta kala shaqeyn doono arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke), kana mid ahaa musharixiintii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2017 ayaa la sheegay inay xil u magacowday dowladda Imaaraadka Carabta.

Cumar C/rashiid ayaa la sheegay in loo magacaabay xilka la-taliyaha dowladda Imaaraadka ee arrimaha Geeska Afrika, isagoo la dejinayo magaalada Abu Dhabi isla markana dowladda dalkaasi kala shaqeyn doona danaha ay ka leedahay Soomaaliya.

Ad

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahaa saaxiib dhow la ahaa Imaaraadka, waxaana la tuhunsan yahay inuu qeyb ku lahaa heshiiskii Imaaraadka lagu siiyay saldhig milateri oo uu ku yeeshay magaalada Berbera intii uu xilka hayay.

Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke),
Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke),

Jagada cusub ee Cumar C/rashiid ayaa Imaaraadka u saamaxeysa inuu galaaangal weyn ku yeesho sidii dekadaha harsan ee Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen shirkadaha Imaaraadka, kuwaasoo kala ah Dekadaha Muqdisho iyo Kismaayo.

Imaaraadka ayaa sidoo kale dhaqaale ahaan ka taageertay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee uu isu soo taagay, isagoo ka tanaasulay wareegii labaad.

- Advertisement -

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON