Tuesday, June 24, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad: “Dowladda Ethiopia shuruud la’aan ayay ku aqbashay codsiga Madaxda Soomaaliya”

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay maxaabiista dowladda Itoobiya sii deysay ee caawa gaaray magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRI QORMADA WASIIRKA

Waxaan caawa aad ugu faraxsan ahay in ay Muqdisho ka soo degeen 114 Maxbuus oo Soomaali ah oo wadahadal aan la yeelannay Madaxda Ethiopia ka dib laga soo daayay jeelal ku yaalla Ethiopia.

Iyaga oo aad u faraxsan ayaa basas looga qaaday gegida dayaaradaha Aden Cadde.

Dowladda Ethiopia oo shuruud la’aan ku aqbashay codsiga Madaxda Soomaaliya ayaan uga mahadcelinayaa gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dowlad-degaanka Ismaamulka Soomaalida.

Aad ayaan ugu farxay marka aan arkay sida ay dhallinyarada laga soo daayay xabsigu ay ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda ku soo nabad laabteen.

Waxaa socda dadaal xoog leh oo ay Dowladda Soomaaliya u dhan tahay oo aan rajeynayo in uu mustaqbalka dhow u suurta geliyo Dowladdu in ay la soo wareegto Maxaabbiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalal kale oo dhowr ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON