Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegya inuu saaka Magaalada Muqdisho ku sugnaa, galabtana shir uga qeyb galay magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan.
SIDA AY KU DHACDAY HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIRKA
Galabta waxaan magaalada Juba, caasimadda Sudan-ta Koofureed uga qeyb galay shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ay kula kulmeen wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee dalkan, goobjoogna ay ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka.
Danjirayaasha Mareykanka, Norway, UK, China, Germany, Japan, Switzerland, Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa fadhiyay.
Kulanka waxaa igu wehliyay Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Juba.
In saaka aan ka soo tooso Muqdisho, howl aan qabsado, galabtana aan ka qeyb galo shir ka dhacaya Sudanta Koofureed iima suurta gasheen haddii aan la joojin sii maritaankii Wajeer, sababta oo ah kamaan soo gaareen dayaarada kowda ka kacaysa Nairobi. Wajeer waxay khasab ka dhigi lahayd in aan maalin ka hor ka dhoofo Muqdisho oo aan u hoydo Nairobi inta aanan u gudbin Juba.