Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa soo saaray heshiis ka kooban 11 Qodob oo ku saabsan qeybsiga dhaqaalaha Bankiga Adduunka iyo qoondeynta Arrimaha Dhaqaalaha.
Qodobka ugu muhiimsan ee Wasiirada ku heshiiyeen ayaa ah Dhaqaalaha kabka Miisaaniyadda ee dowladda Soomaaliya ka heshay Bankiga Adduunka in 50% kabka loo isticmaalo horumarinta arrimaha Bulshada iyo Maamul Wanaagga, sida arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada.
Waxaa kaloo heshiiska ay ku heshiiyeen in 50% kabka Miisaaniyadda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda DG, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA
Taariikh: September 13, 2022
Warmurtiyeedka Shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Shir ay isugu yimaadeen dhammaan Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa ka qabsoomay magaalada Mogadishu kaas oo lagu gorfaynaayey arrimaha maamulka maaliyadda dalka.
Shirkaan oo qabsoomay muddo (2) labo sano ah ka dib, ayaa waxaa ka soo qayb-galay dhammaan Wasiirrada Maaliyadda, xubno ka mid ah guddiga farsamada iyo marti-sharaf kale. Shirkaan wada tashiga ah 00 socday muddo lix (6) maalmood, ayaa waxaa shirguddoominaayay Wasiirka Maaliyadda DFS, Dr. Cilmi Maxamud Nuur oo ay wehelinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamud Janaqow iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cabdulqafaar Cilmi Xaange.
Wasiirrada Maaliyadda waxaa ay soo dhawayn iyo wada-shaqayn rasmi ah u ballan-qaadeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Cilmi, iyagoona hoosta ka xariiqey wada shaqayn dhab ah, una ballan qaaday in ay si dhow ugala shaqaynayaan arrimaha horumarinta maamulka maaliyadda dalka iyo hannaanka dayn cafinta.
Is-xogwaraysi, kala warqaadasho iyo dood ku aaddan dardargelinta arrimaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dalka ayaa waxaa la-isla qaatay inay ka wada go’an tahay in si isku kalsooni, qaddarin iyo xusjamad leh lagu wada shaqeeyo iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha horumarinta hannaanka deyn cafinta iyo dawlad wanaagga, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1) Si loo xaqiijiyo horumarka, hufnaanta iyo isku duubnaanta hay’adaha maaliyadda ce dalka, wasiirradu waxay hoosta ka xarriiqeen inay lagama maarmaan tahay in si dhow loo wada shaqeeyo oo ku dhisan kalsooni iyo wada tashi;
2) In aan mamaba la siyaasadayn arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta shuruucda maaliyadda dalka iyo xaqiijinta halbeegyada iyo shuruudaha ku lammaan deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee XFS soo mara,
3) In si wada jir ah looga qayb-qaato dhamaystirka hannaanka dayn cafinta, iyo dib-u habaynta dhaqaalaha, hufnaanta nidaamka maaliyadda, la dagaalanka saboolnimada, musuq-maasuqa, lagana shaqeeyo kobcinta Dowlad wanaagga;
4) In la isla qaato lana ansixiyo hab ku saleysan qaacido (Formula Based Resource Sharing) oo ku aaddan qaybsiga deeqaha dibadda, si loo dhiirigeliyo wax-wada-qaybsi loo dhan yahay isla markaasna la dardargeliyo dadaalka ku aaddan kobcinta dakhliga gudaha iyo ilaalinta wax ku-oolnimada maamulka maaliyadda iyo adecgga bulshada.
5) In 50% kabka miisaaniyadeed ee qeybsiga yabooha Bankiga Addunka ee loo yaqaano, (DPO-2) loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga, sida howlaha Caatimaadka iyo Waxbarashada.
6) In 50% Kabka miisaaniyadeed ee DPO-2 ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo;
7) In la dhameystiro barnaamijka furdooyinka iyo dardar gelinta isticmaalka SOMCAS
8) In xoogga la saaro kobcinta iyo tayada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah, si muwaadiniinta dalku u helaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho.
9) Daabicidda, soo saarista xisaab celin sannadle ah oo waafaqsan nidaam-xisaabeedka mideysan ee guddiga farsamada horey ugu heshiiyeen ee loo yaqaano, (Unified Chartered of Accounts).
10) In la ilaaliyo dhammaan heshiisyada la wada gaaro.
11) In la qabto shirka xiga ee Wasiirrada Maaliyadda Bisha November ee soo socota haddii Alle Idmo. Shirka ayaa kusoo soo idlaaday jawi deggan, waxaana lagu balamay wada shaqayn, waalalnimo iyo iskaashi joogto ah.
Saxiixayasha Warmutiyeedka Shirka
1. Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland
2. Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug
3. Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland
4. Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda K. Galbeed
5. Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle
Dr. Cilmi Maxmuud Nuur
Wasiirka Maaliyadda XFS
