Wasiirada Warfaafinta maamul Goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka hor yimid shir ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Wasiirada oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay ayaa sheegay inay isaga baxeen “Shirka caalamiga ah ee Bedqabka saxafiga” oo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ay wado iyo hay’ado kale oo taageeraya, waxayna caddeayeen inay qaadeen shirkaasi.
Waxay ku eedeeyeen Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka inay leexsatay wixii taageero ah ee loogu talogalay saxafiyiinta Soomaalida oo dhan, iyagoo ugu baaqay madaxda sare ee dowladda inay soo farageliyaan arrintaasi.
Wasiirada maamul Goboleedyada ayaa ku dooday in Wasaaradda Warfaafinta ay dhibaato ku heyso saxaafadda iyo maamul goboleedyada, ayna ugu wacan tahay wasiir la’aanta heysata oo shaqadeedii fadhiid ka dhigay.
HOOS KA DAAWO