Wednesday, June 25, 2025

Wasiirk Amniga Puntland oo lagu dhaawacay is-rasaaseyn ka dhacday Boosaaso

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn ka dhacay magaalada Boosaaso oo dhex martay ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhex galay ciidamo ay wateen Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen. C/risaaq Afgaduud, waxaana dhex maray gacan ka hadal, taasoo keentay is rasaaseynta labada ciidan.

Wararka ayaa sheegay in Lix askari oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen is rasaaseynta, lamase soo sheegin wax dhimasho ah.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa la sheegay in dhaawiciisu yahay qaarka hoose, oo aanu darneyn, iyadoo la dhigay Isbitaalka  magaalada Boosaaso.

Is rasaaseynta ayaa ka dhacday  xarunta ciidanka Birmadka, halkaasoo uu ka socday kulan amniga looga hadlayay, waxaana mar kaliya laga war helay gacan ka hadal dhex maray Labada taliye ee Afdalow iyo Afgaduud.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON