Thursday, June 26, 2025

Wasiirka ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka badbaaday qarax ay ilaaladiisa u maleegeen

Qarax lala damacsanaa in lagu khaarijiyo sii-hayaha wasiirka arrimaha Bulshada Maamulka Jubba Macalin Maxamed Ibraahim Maxamed ayaa la fashiyay, iyadoo qaraxa ay ka dambeeyeen soona abaabuleen qaar ka mida ciidamadii ilaalada u ahaa.

Qarax oo loogu xiray gaariga wasiirka oo xiligaasi ku sugnaa gurigiisa magaalada Kismaayo, iyadoo falkaasi loo qabtay laba askari oo  ka mida ilaalada wasiirka.

Sida uu Wasiirka sheegay inaysan jirin qasaar soo gaaray isaga iyo gaariga midna, laakiin qorshaha qaraxa lagu kashifay markii laga shakiyay mid ka mida askarta oo telefoon ku hadlayay.

Siihaya wasiirka arrimaha bulshadda  maamulka Jubba wuxuuu sheegay ragga la qabtay  ay ahaayeen askar ay qaraabo yihiin oo aanu marna fileyn inay falalka noocan oo kale ah geysan karaan.

Alshabaab ayaa la sheegay inay ku dhex milan tahay ciidamada maamulka Jubba oo u badan kuwii Jabhadii Raaskaambooni oo mar la midoobay Alshabaab, waxaana hore loo khaarijiyay askar qaraxyo abaabulay si aan loo raadraacin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON