Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka Amniga oo Golaha Wasiirada u sheegay tallaabo laga qaadayo Dadka Beenta ka faafiya dowladda [Dhageyso]

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa u hanjabay dadka uu sheegay inay ka shaqeeyaan faafinta wararka been abuurka ah.

Wasiirka oo shalay ka hadlayay kulankii Golaha Wasiirada ayaa u sheegay inaan aqbali doonin khakhal gelinta ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’daha amniga xilligan oo lagu howlan yahay xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.

Sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo soo xigtay hadalkii Wasiirka amniga ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirada ayaa intaas ku daray in wasiirku sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa la doonayo in amniga dalka lagu khakhal geliyo.

Siyaasiyiin, musharixiin hore iyo xildhibaanno ayaa Muqdisho ka wada olole siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu fashiliyo dowladda Farmaajo, laguna siyaasadeeyo xaalad waliba oo amni, arrintaas oo dhowaan madaxweyne Farmaajo oo si kulul ugu eedeeyay qaar ka mida siyaasiyiintii tartanka doorashada la galay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON