Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa beeniyay inuu u sharxan yahay madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay inuusan haba yaraatee ahayn musharax u taagan Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuuna beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta qaarkood oo ku saabsanaa inuu xilka wasiirimo iska casilayo isuna sharxiyo madaxweynaha maamulka cusub.
“Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, mana ahi musharax u taagan muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe..” ayay SONA ka soo xigatay Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.
Shirka Jowhar ee dib loo furay dhowaan ayaa waxaa soo baxaya musharaxiin u taagan xilka madaxweynaha, inkastoo weli la isku mari la’ yahay qeybsiga Baarlamaanka labada gobol.
Goobjooge.com