Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu kulankiisa hor yimaado wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo Baarlamaanka ka hor akhrin doona sharciga la-dagaalanka argagixisada oo wasaaradu soo diyaarisay.
Sharcigan oo akhriskiisii koowaad maanta la guda galayo ayaa sanado badan ku meereysanayay xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliy dhexdooda iyadoo hore Baarlamaanku uga dooday markii uu gudbiyay wasiirkii hore ee Amniga C/kariin Xuseen Guuleed.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulankiisa maanta lagu filayaai nay ka soo baxaan qaraar guddoomiyaha Baarlamaanka soo jeediyay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]