Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Amniga oo Muqdisho ka furay Shirkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha [Sawirro]

Wasiirka Amniga Xukuuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka saddex billaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka. 

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan agaasinka guud, Madaxda waaxaha, Madaxda Laamaha ka howlgala gobolada ayaa sidoo kale lagu marti qaaday qaar ka mid ah hay’addaha kale ee dowlada sida booliska, maamulka gobolka Banaadir, mareeyaha garoonka Adan Cade, ururada bulshada iyo dhalinyarada. Shirka oo socon doona muda labo maalin ah ayaa waxaa furey wasiirka amniga gudaha mudane Maxamed Abukar Islow.

Muhiimada shirka ayaa ahaa isku xirka iyo hormarinta howlaha Hay’adda, hagaajinta xariirka iyo wada shaqeynta hay’adda iyo hay’adaha kale ee dowlada.

Wasiirka amniga ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku amaanay shaqada wanagsan ee ay bulshada u hayaan, isla markaana wuxuu kula dardaarmay saraakiisha hay’adda in ay sii laba jibaraan shaqada, isaga oo sheegay in dhawaan golaha wasiirada la horgeyn doono Sharciga Socdaalka Dalka oo ay hada ku howlan yihiin qabyo-qoriddiisa khubaro sharci-yaqaano ah.

Taliyaha booliiska gobolka Benaadir, maareeyaha garoonka Aadan Cabdulle, guddoomiyaha dhalinyarada gobolka, iyo afhayeenka gobolka Benaadir ayaa ka hadley shirka, waxayna dhammaan ku ammaaneen hay’adda howlaha iyo adeegyada ay u heyso bulshada, iyaga oo talayooyinka wax ku ool ah ka soo jeediyey.

Shirka ayaa warbixino ku saabsan waxyaabihii qabsoomey, iyo caqabadahii sedaxdii bilood ee la soo dhaafey looga dhageysan doonaa agaasinka guud, madaxda waaxaha iyo laamaha.

Image may contain: 1 person, indoor

Image may contain: 1 person, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON