Wasiirka amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdullahi Maxamed Nur ayaa Shaqadii ka joojiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya Gen. Cabdi Axmed Xasan (Xijaar).
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Amniga ayaa lagu eedeeyay Taliye Xijaar inuu ku kacay Dastuur jebin iyo is hortaagga dhammeystirka Doorashada Dalka, waxaana wareegtada lagu sheegay in si loo sugo amniga Doorashooyinka uu Howsha Taliyaha Boolsiska sii wadi doonno Taliye Xigeenka.
Qodobadda uu Wasiirku ku eedeeyay Taliyaha Booliska waxaa ka mida inuu ku milmay siyaasadda, ayna caddaatay inuu ka shaqeynayo dano koox gaara iyo inuu isku dayey joojinta Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Wasiirka ayaa sheegay inuu helay “xog muhiim ah in taliyuhu ku howlan yahay falal khatarku ah bad qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin saresare oo xilal muhiim ah haya” sida wasiir uu ku sheegay bayaankiisa.
Taliye Xijaar ayaa xalay qabtay laba shir jaraa’id oo midna uu ku sheegay inay Booliska mas’uul ka yihiin Amniga Doorashada, mar kalena uu sheegay inaysan sugi karin Amniga Goobta Doorashada, isagoo soo jeediyey in dib loo dhigo Doorashada.

Hoos ka Akhriso