Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka Amniga Puntland: “Dowladda Federaalka lug ayay ku leedahay weerarka Alshabaab ee Garacad..”

Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xersi Qarjab oo  shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in degaanka Garacad ay xaaladiisu degan tahay, isla markaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka  Soomaaliya ku lug leedahay duulaanka lagu qaaday Puntland ujeedkuna yahay mid la xiriira diidmada Puntland ee in 4.5 lagu dhiso Baarlamaanka cusub ee 2016.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama marna duulaanka nala ku soo qaaday”ayuu yiri wasiir Qarjab oo sheegay in ciidamadii Alshabaab ee qabsaday Garacad aysan ku laaban Badda, balse ay ku lugeeyeen dhinaca waqooyina uga baxeen magaalada.

Ma caddeyn wasiirka xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo kooxda Alshabaab ee ku duulaanka ka wada xeebaha Puntland, laakiin arrintan ayaa  loo arkaa mid siyaasadeed.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Cali Xersi Qarjab ayaa ka mida wasiirada ugu xagjirsan ee Puntland, isagoo hore uga hor yimid heshiiskii Puntland & Galmudug ee xabad joojinta Gaalkacyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON