Sunday, July 6, 2025

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Madaxda Hay’adda Amniga Dalka Qatar [Sawirro]

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa booqasho ku jooga dalka Qatar isagoo la kulmay madaxda dhinaca ammaanka ee dalkaasi.

Wasiirka ayaa magaalada Doha kula kulmay Guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi iyo madaxda sare dowladda Qatar oo ay ka wadahadleen xiriirka dhinac amniga ee labada dal.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” Ayuu Wasiir Ducaale ku yiri farriin uu soo dhigay baraha bulshada.

Dowladda Qatar ayaa la sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka kaalmeyneyso arrimaha ammaanka iyo dagaalka Alshabaab, iyadoo safaaradda Qatar ee magaalada Muqdisho ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxii 14- Oktoobar ee magaalada Muqdisho.

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON