Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo gaaray wasiirka arrimaha dibadda Norway Børge Brende iyo wafdi uu hoggaaminaayo, waxaana garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay dhigiisa Somalia, Yussuf Garaad Cumar iyo xubnaha labada gole.
Ujeedada socdalkaa Børge Brende ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal iyo ka hadalka taageerada ay Norway siiso Somalia, sidoo kale safarkaan ayaa qeyb ka ah arrimaha qaxootiga iyo sidii dowladda cusub Norway ula meel dhigi laheyd dadka sharciyada loo diiday iyo kuwa lagala noqday.
Børge Brende ayaa kulamo la leh madaxda sare ee dalka iyo dhigiisa Yuusuf Garaad Cumar.
Wixii kusoo kordha wararkeena danbe ayaa kala socon doontaan haddii alle idmo.