Wednesday, June 25, 2025

Maxaa dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo C/weli Gaas.?

Wasiirka  Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa xafiiskiisa magaalada Adisa ababa kul kulmay madaxweynaha maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya, waxaana laabda dhinac dhex maray wadahadal ku saabsan xiririka labada dhinac.

Sida ay baahisay wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya waxaa wadahadalka labada dhinac ku saabsanaayeen qaabka doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya lagu wado inay ka qabsoomaan sanadka2016, dadaalka nabadda Gobolka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga tahriibta.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay si buuxda u taageereyso kana go’an tahay dadaalada nabada iyo xasiloonida dib loogu soo celinayo Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa bogaadin u jeediyay dowladda Itoobiya doorkeeda ku aadan ka shaqeyn   Soomaali xasiloon oo nabad ah

Dhammaad: Warkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya

GOOBJOOGE.COM

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON