Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa madaxda Soomaalida uga hor maray magaalada Kismaayo isagoo ka mid ahaa wafdi saaka tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna isla markiiba kulan kulan kula yeeshay Garoonka Diyaaradaha Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee dhowaan tegay Magaalada Kismaayo kuna biiray AMISOM.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa lagu tilmaamaa saaxiibka maamulka Jubba, iyadoo sawiradiisa ka dhex muuqdeen xafladihii maamulka Jubba sameeyay wixii ka dambeeyay heshiiskii Addis ee dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe lagu heshiisiiyay oo uu door ku lahaa.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Dalalka Kenya iyo Itoobiya,kuwaas oo ka mid ah Howlgalka Midawga Afrika Ee AMISOM, waxaana ciidamada Itoobiya la sheegay inay kooxda Alshabaab ka saari doonaan degaanada Jubbooyinka.
Goobjooge.com