Monday, June 23, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo si jeesjees ah uga jawaabay mas’uuliyiintii Somalia ee laga celiyey Nairobi..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa si la yaab leh oo jeesjees ku jiro uga jawaabtay su’aal ku saabsaneyd mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo laga celiyey Kenya, kadib markii loo diiday Visa-ha Kenya oo markii hore garoonka lagu siin jiray.

Iyadoo ka hadleysay shir jaraa’id ay sheegtay Monica Juma in arrintaasi wax lala yaabo ay tahay, iyaduna la yaabtay markii ay maqashay in fiiso la’aan la safrayo, waxayna tiri: “Dhammaanteen waxaan safarnaa anagoo fiiso wadana, sidaas darteed haddii aad fiiso la’aan safreyso aad ayey u dhib badan tahay inaad gasho (dalka).., … ma hayo faahfaahin arrinta kisikan.. laakiin aad ayaan aniga ula yaabay in qof fiisa la’aan socdo..” intaas ayay ku soo koobtay hadalkeeda Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Jumca oo ka hadleysay magaalada Nairobi markii la weydiiyay su’aal ku saabsan mas’uuliyiinta Soomaalida ee laga celiyey Kenya markii fiiso loo diiday.

Wasiirada ayaa is moogeysiisay heshiiskii dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku saabsanaa in mas’uuliyiinta dowladda Somalia ay fiisha ku qaataan garoomada Kenya, iyadoo weliba Keny ay dalal badan sidaasi ula dhaqanto, waxayna arrintan u muuqataa cadaadis la saarayo dowladda Somalia.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON