Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey in dowladda loo ogolaadya inay Qunsuliyado ka furato magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa.
Isagoo maanta hortegay xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in dowladda Kenya ay dalab u soo gudbisay Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay Qunsuliyado uga furato Kismaayo iyo Hargeysa, taasoo ay dhinacooda u ogolaadeen, sida uu yiri.
Wuxuu wasiirku ku dooday inay dalalka dibadda ku marti qaadaan inay Qunsuliyado ka furtaan magaalooyinka dalka, ayna tahay arrin wanaagsan, laakiin si kale loo macneeyo arrimaha midnimada iyo qaranimada sida uu yiri.
Wasiirka oo la weydiiyay inay xukuumadda hadda jirta ay Somaliand ka joojisay gargaarkii beesha caalamka ugu talogashay ayuu sheegay inaysan arrintaasi waxba ka jirin.
HOOS KA DHAGEYSO